(ERGO) – Maydiigo Cumar Yarow oo 60 sano jir ah waxay aroor walba u kallahdaa deegaan xoolaha lagu qalo oo ku taalla duleedka magaalada Baydhabo. Waxay ka mid ah tahay 62 haween ah oo fursad shaqo abuur ka helay lafa geela oo ay soo aruursadaan.
Maydiigo ayaa sheegtay inay lafaha geyso goobaha la cunteeyo ee ku yaalla magaalada, kuwaas oo ka iibsada, kaddibna inta ay jaja-biyaan kariya oo ka saara maraq dufan leh oo ay macaamiishooda ka gadaan.
Waxay maalinle uga heshaa celcelis ahaan afar doolar. Haweeneydan ayaa tilmaamtay in dhaqaalaha soo gala uu u suura-galiyay inay carruurteeda oo agoon lix ah ay u hesho cunno saddex waqti ah, iyo waxbarasho.
“Saddex jeer ayaan hadda wax karsanaa. Markii hore waan iskala daalaadhacay. Hadda intaan lafahan soo aruursigooda aan bilaabey hadda nafaqadeena aad ayey noogu ficnaatay.’’
Haweeneydan ayaa sheegtay inay la daalaadhacaysay maaraynta noloshooda ka hor inta aysan shaqadan billaabin bishii May ee sanadkan.
Maydiigo ayaa sheegtay inay shaqadan tahay mid adag balse ay nolosha uga fursan wayday. Waxay xustay inay baxdo inta waaga uusan baryin. Sababta ayaa in qofkii aan xilli hore tagin in hortii lafaha la kala qaadanayo.
Waxay intaas raacisay inay habeennada qaar tuugo ay la kulanto, kuwaas oo lafaha iyo harkaha ay wadato ka qaada. Culaysyadaas ayay u bareertaa si ay u quudiso carruurteed oo keliyeed u tiirsan. Waxay xustay in qoyskeeda ay ka maarmeen inay deriska cunno waydiistaan.
“Aadaanka hore ayaan kacnaa. Wax walba ayaa lala kulmaa. Tuug ayaad arkaysaa. Dugaagta laftigiisaa xilligaas ayuu lafaystaa. Lafaha Islaamka xoolaha qasha ayaan ka soo tuugsanaa. Inaan masaakiin nahay ayay arkaan wayn na soo siiyaan. Loor ayana ku soo ritaa. Wixii tabartayda ah ayaan soo qaataa.”
Maydiigo ayaa horey u soo qabatay shaqooyin kale oo xoogsi ah. Waxay shaqadan ka hor xaabo ka guri jirtay miyiga balse waxay sheegtay inay joojisay bishii saddexaad ee sanadkan markii ay ka wayday biilka sabab la xiriirta dadka oo ku batay. Waxay maalintii ka heli jirtay 30 kun oo Shilling Soomaali ah.
Saygeeda ayay sheegtay inuu u dhintay cudurka shubanka 2020. Wixii xilligaas ka danbeeyay Maydiigo iyada ayaa qoyska u ah hoggaan laga sugo biil-maalmeedka.
Maydiigo ayaa sheegtay inay shaqadan ku war-geliyeen haween xerada ay ku wada nool yihiin oo uga horreeyay. Waxay xustay inay lafaha iyo harkaha lagu siiyo si bilaasha sabab la xiriirta inay u dan sheegtaan dadka leh xoolaha la qalo.
Qoyska Maydiigo ayaa sanadkii 2024 bishii koowaad ka soo barakacay deegaanka Sarmaan oo qiyaas 40 km u jira degmada Xuddur ee gobolka Bakool. Waxay deegaankaas ku lahaayeen beer afar hektar ah. Sidoo kale, waxay halkaas ku dhaqan-jireen tiro ari ah, balse uga le’day baaq la’aan labadii sano ee tagtay.
Haweenka nolosha qoysaskooda ka soo saara lafaha ayaa maalinle ugu shaqo taga kawaanka Xannaano oo magaalada u jira 10 km. Wax gaadiid ah ma raacaan iyaga oo jawaano culus wata ayay la soo lugeeyaan.
Xaawo Salaad Cali waxay ka mid ah tahay haweenka dantu ay ku qasabtay shaqadan. Haweeneydan oo 50 jir ah ayaa lafo ku korisa sagaal carruur ah. Waxay shaqadan ka heshaa lacag lix doolar ah.
Waxay shaqadan uga maarantay dewersi ay ka soo saari jirtay nolosha qoyskeeda. Hadda waxaa u suura-gashay inay ku filnaado quudka carruurteeda. Xaawo ayaa sheegtay inay shaqadan u noqotay il dhaqaale oo rajo nololeed siisay.
Haweeneydan ayaa sheegtay shaqadan sidoo kale ka caawisay inay qeyb ahaan iska bixiso dayn ay raashinka uga qaadatay dukaannada raashinka iibiya. Inta u gartay ayay qorshaynaysaa inay bil kis bixiso.
“$100 ayaa la igu leeyahay oo carruurta dartooda aan u galay. Dharkooda, raashinkooda, kabahooda wax kasta oo ay u baahdaan ayaan ugu galay oo la igu leeyahay. Laba boqol ayay aheyd hadda qaar kun kun sidaan ugu bixinayay boqol doolar ayaa la igu leeyahay oo igu harsan. Shaqadan ayaan wax kasta ku maareeyaa dugsigooda, kaga bixiyaa.”
Xaawo ayaa sheegtay inay shaqadan u baxdo xilli mugdi ah oo aan la kala garan karin geedaha iyo dugaagga balse waxay tilmaamtay inay tahay mid nolosha qoyskeeda wax ka beddeshay marka loo barbar dhigo inta aysan billaabin.
Noloshooda ayaa ku tiirsadayd kaalmada hay’adaha gargaarka oo xeryaha aan laga bixin bilihii la soo dhaafay iyo deriska oo dab-shidada ka caawinayay marka ay wax waayaan. Keliya hadda waxa ay dhibaato ka haysataa helidda biyaha.
Jirikaanka labaatanlaha ah waxay ku gadataa shan kun oo Shillin Soomaali. Waxay dhabarka uga keentaa ceel xerada u jira labo km.
Shaqada lafo aruurinta ayay sheegtay inay tahay mid u baahan xoog sababtoo ah waa in lafaha la jajabiyo si ay jawaan ugu ridato. Seygeeda ayay sheegtay inuusan shaqayn isla markaanna uusan shaqadan ka caawin sabab la xiriirta inuu da’ yahay. Kiiladii waxay ku iibisaa 10 kun oo Shillin Soomaali ah.
Qoyska Xaawo ayaa bishii 12aad ee sanadkii hore ku soo beeray xerada Buur ee duleedka Baydhabo. Waxay ka soo barakaceen deegaanka Howlaha Guud oo Baydhabo ujira 45 km. Waxay lahaayeen beer shan hakter ah. Waxaa saameeyay wax soo saarkeedii isbeddelka cimilada.
Dadka barakaca ah ayaa wajahaya dhibaatooyin nololeed. Nolosha adag ayaa ku hoggaamisa inay haweenka isku qabtaan shaqada iyo soo dhicinka biilka iyaga oo qabanaya shaqooyinka ay ku xeeran yihiin caqabo gara ah.
Iisho Cali Cabdi oo keligeed korisa shan carruur ah waxay dhankeeda nolosha qoyiskeeda ka maareysaa lafo iyo harko. Daqliga ka soo galay oo shan dollar ah ayaa u sahlay inay ka welwel la’aato cunnda iyo marashada carruurteeda.
Iisho ayaa sheegtay in shaqadan u suura gelisey inay waxbarasho iskuul hoose ka diiwaan galiso labo ka mid ah carruurteeda oo markii hore wajahayay waxbarasho la’aan dhaqaale xumada qoyska darteed.
“Carruurteyda markii hore xaafadda ayay iska joogi jireen, wax maba raneynin, laakiin hadda Mashaa Allaah waxbarashadooda waan ku filanahay, Waxbay ii baranayaan. Markii hore dhibaato ayaan ku jirnay. Hadda waan shaqeystaa ayagana si fiican ayey wax iigu baranayaan.”
Haweeneydan ayaa tilmaantay inay dhabarkeeda ku soo qaado lafo culeyskoodu 25 kg. Marka laga tago inay biilka ka hesho, waxay xustay inay dareento daal. Waxay sheegtay duruurfta qoyskeeda ay u saamaxainin inay iska nasato.
Haweeneydan oo 37 sano jir ah ayaa nolosha qoyska ka soo saari jirtay dhar dhaqid ay u aadi jirtay magaalada oo ay sheegtay in ay ka heli jirtay ugu badnaan labo dollar, taas oo aan ku tilnayd nolol maalmeedka qoyskeeda
Iisho oo ninkeeda ay kala tageen laba sano ka hor ayaa sheegtay in tan iyo xilligaas ay keligeeda dhexda u xiratay sidii ay usoo dhicin laheyd biilka carruurta.
Qoyska Iisho ayaa sanadkii 2024 bishii afraad ka soo barakacay deegaanka Shabeelow oo qiyaas 30 km u jira degmada Baydhabo. Waxay deegaankaas ku lahaayeen beer shan hektar ah. Waxay tilmaantay in abaar ay ka samaamaysay badarkii ay u saarnaa oo isugu jiray masago, galey iyo digir.
Duruufaha dhaqaale ee ka jira xeryaha ayaa haweenkan u horseeday inay fursad shaqo ka soo saartaan lafaha oo markii hore qashinka deegaanka looga soo tago ahaa balse hadda nolosha qoysaskan u noqday il dhaqaale oo u abuurtayrajo nololeed oo cusub.
Xigasho: Radio Ergo
.
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved