War Degdeg ah: Dilka Khabiir Amni oo Ka Dhacay Magaalada Laascaanood
Magaalada Laascaanood waxaa habeenkii xalay lagu dilay Farax Caydiid, oo ahaa khabiir dhanka amniga ah. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in koox aan la aqoon ay afduubeen habeenkii xalay, waxaana saaka laga helay meydkiisa iyadoo xabad madaxa looga dhuftay.
Wararka dambe oo soo baxey ayaa sidoo kale sheegaya in Farax Jamac Caydiid u shaqeynayey xafiska Qunsuliyada dalka Itoobiya ku leedahay magaalo madaxda Puntland ee Garowe, iyadoo xogo xusayaan in Shan Sano ka hor weerar lagu qaadey isagoo ku sugan magalaada Laascaano uu ku dhaawacmey.
Marxuum Farax Caydiid wuxuu asal ahaan ka soo jeeday gobolka Sool, waxaana dilkiisa uu ku soo beegmayaa maalmo kaddib booqashadii uu magaalada ku tegay wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga ee Khaatumo ku saabsan dhacdadan. Dilalka noocan ah ayaa si weyn u yaraaday tan iyo markii maamulka Somaliland laga saaray magaalada Laascaanood, taasoo dhacdadan ka dhigeysa mid ugub ku ah maamulka Khaatumo.
Wixii faahfaahin ah kala soco Garowe Online.