Muqdisho (WDN)_ Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka joojisay safar ay ugu socdeen magaalada Kismaayo labo xildhibaan oo kala ah Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Cumar Qalaad-diid. Labada Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matal Jubbaland, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse ku eedeeyay inay si shaqsi ah u amreen xayiraadda socdaalka, iyagoo soo xiganaya saraakiisha ammaanka ee garoonka Muqdisho.
Shir jaraa’id oo ay qabteen xildhibaanadu markii uu dhacay falkan xiyiraada safarkooda Kismaayo, ayaa waxay ku cambaareeyeen tallaabadaasi, waxayna ku tilmaameen mid caburin siyaasaddeed ah oo la doonayo in lagu go’doomiyo Jubbaland.
Xildhibaan Cabdirashiid Jire ayaa ku eedeeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si sharciga ka baxsan uu xukunka iyo awood dowladeed u adeegsanayo dano siyaasaddeed.
“Xasan Sheekh laftiisa ayaa horay u soo wajahay xayiraado la mid ah tan hadda anaga naloo adeegsaday. Subaxnimadii ayaanu madaarka tagnay, waxaana naloo diiday in aanu socdaalno. Laakiin berri, waan soo laaban doonaa si aanu u diidno xannibaaddaas. Shacabka Jubbaland cuburaad kuma hayn karto dowladda Federaalka,” ayuu yiri Xildhibaan Jire.
Xildhibaan Cumar Qalaad-diid ayaa isna si kulul u weeraray Ra’iisul Wasaare Xamsa oo uu ku eedeeyay inuu qeyb ka yahay in deegaankiisa la takooro. Isaga oo ku doodday in cadaadiska siyaasaddeed iyo midka dhaqaale ee Jubbaland iyo Puntland ay ku hayaan ay qeyb ka tahay istaraatiijiyad ballaaran oo ay dowladda federaalka ku dooneyso in lagu wiiqo gobolladaas.
Xiriirka Muqdisho iyo Jubaland ayaa ahaa mid aan wanaagsaneyn in muddo ah, gaar ahaan tan iyo intiii Madaxweyne Axmed Madoobe ka hor yimid qorshaha Madaxweyne Xasan ee doorashooyinka Maamul Gobolleedyada iyo Federaalka. Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa horey xidhiidhkoodu uu aad u hoeeseeyay, iyada oo haddan ay ku biirtay Jubaland.
Khilaafka sii kordhaya ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada ayaa caqabad weyn ku ah xasiloonida siyaasaddeed ee Soomaaliya. Isku dayga soo noqnoqda ee lagu doonayo in lagu garab istaago madaxda maamul goboleedyada laguna horjoogsado dhaq-dhaqaaqooda ayaa halis hor leh u sii kala qaybinaya nidaamka federaalka ee nugul ee dalka ka jira.
Hadda, Xildhibaanadu waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan ka-hortagga xayiraadaha lagu soo rogay Jubbaland.
WardheerNews